Puntland oo shaacisay inay xubno ka tirsanaa kooxda Daacish ku dishay gobolka Bari

0
132

Boosaaso (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada sida gaarka u tababaran ee Puntland ayaa ka warbixiyey howgallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulkaasi.
Howlgallada oo ka dhacay deegaanka Toga Miraale oo hoos yimaada magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladaasi ayaa sheegay in lagu dilay illaa afar xubnood oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxdaasi, inkastoo aysan shaacin magaciisa.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen saraakiishu in dhaq dhaqaaqyadooda ay sii socon doonaan, islamarkaana ay ku gaari doonaan deegaano hor leh.
Daacish ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, iyadoo weeraro gaadma ah ku soo qaada saldhigyada ciidamada Puntland ee gobolkaasi.
Sidoo kale muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Puntland ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.
Dowlad goboleedka Puntland ayaa muddo la dagaalameysa kooxahaan oo inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka geysta magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.




SOURCE: Puntland oo shaacisay inay xubno ka tirsanaa kooxda Daacish ku dishay gobolka Bari

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.