Puntland oo war cusub ka soo saartay colaadda gobolka Mudug

0
25

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxtooyada Puntland ayaa markale si kulul uga hadashay colaad beeleedyada dib uga soo cusboonaaday bariga gobolka Mudug.
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay inay Puntland aad uga xun tahay dagaallada ka socda deegaanka Towfiiq ee gobolkaasi.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Puntland ay cidkasta uga digeyso ka qeyb qaadashada hurinta colaadaasi.
Ugu dambey warsaxaafadeedkaan ayaa loogu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay xabadda joojiyeen wax welibana ay ku dhameeyaan wadahadal iyo deganaan.
Shalay ayey aheyd markii wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabacad uu dagaalkaasi ku eedeeyey inay soo qaaday Galmudug.
Dhabancad ayaa tilmaamay in mas’uuliyiinta Galmuudug in ay horinayaan xiisada, islamarkaana ay gaadiid dagaal u soo direen halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaal beeleedka ka socda deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ayaa waxa ay u dhexeeyaan labo maleeshiyo oo ka soo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland.
Xiisada ayaa hadda dib u soo laabatay, waxaana isa soo taraya baaqyada loo dirayo maleeshiyaadka labada dhinac ee dagaalamaya, si loo qaboojiyo dagaalladaasi.

 




SOURCE: Puntland oo war cusub ka soo saartay colaadda gobolka Mudug

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.