Qaar ka mid ah Isgoysyadda wadooyinka Muqdisho oo laga qaaday Ciidamadii ku sugnaa

0
392

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Inta badan Isgoysyada muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa saakay laga qaaday Ciidamadii ka tirsanaa xasilinta ee Bilihii ugu dambeeyay halkaas ku sugnaa.
xalay saqdii dhexe ay ku ekeyd mudada 48-ka saac ee Guddiga Amniga Qaranka go’aamiyeen in waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho lagu furo, ayaa saaka waxaa la qaaday Ciidamadii ku sugnaa Isgoysyada.
Isgoysyadda Warshaddaha, Howlwadaag, Sheekh Cali Suufi, Sanco iyo Afarta Jardiino ayaa saakay waxaa ka guuray Ciidamadii halkaasi ku sugnaa.
Gawaaridda Saadka Ciidamada ayaa dhammaan qaaday agabkii ciidamada iyo Askartii halkaasi ku sugnaa.
U jeedka ugu weyn ee laga leeyahay ayaa waxa ay tahay sidda ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda dhaqangelinta Amarkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in la furo wadooyinka xiran.
Amniga Muqdisho ayaa noqday wal-walka ugu badan, bishii ugu dambeysay waxaa agagaarka Villa Somalia ka dhacay labo qarax oo in ka badan 20 qof ku dhinteen.
Shacabka Muqdisho ayaa cabashada ugu badan ka keeni jiray waddooyinka qaar oo la ogol yahay kaliya bixid, balse aadan dib u soo laaban karin, taasoo dadka gaadiidka wata ay dhib badan kala kulmi jiraan soo laabashadooda.
Inkastoo ay muuqato inay dhaqan gashay qeyb ahaan go’aankii Guddiga Amniga Qaranka ee ahaa in la furo waddooyinka xiran, hadana waxaa xiran waddooyinka jid cadayaasha ee gala Maka Al-Mukarama.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimda@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Qaar ka mid ah Isgoysyadda wadooyinka Muqdisho oo laga qaaday Ciidamadii ku sugnaa

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.