Qabanqaabadii u dambeysay oo ka socota Kismaayo iyo amaanka oo aad loo adkeeyay

0
98

Kismaayo (Caasimada Online)-Qaban qaabadii ugu dambeysay ayaa ka socoto magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ku wajahan ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre.Maalintii shalay waxaa magaalada Kismaayo gaaray wafdi hordhac u ah wafdiga ra’iisul wasaaraha dalka, waxaana kulamo gaar gaar ah ay la qaateen madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo sidoo kale magaalada la geeyay ciidamo xaqiijiya amaanka ra’iisul wasaaraha.Ciidamada amaanka ee Jubbaland ayaa dhaqdhaqaaqyo amni xaqiijin ah ka wada magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale ay baaritaano ka sameynayaan deegaanada ku teedsan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in safarka ra’iisul wasaaraha uu qeyb ka yahay xalinta khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland  iyadoo kulamo ay ka dhici doonaan magaalada Kismaayo.Xasan Cali Kheyre ayaa maalinta beri ah tagaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana aad loo adkeeyay amaanka magaalada Kismaayo.Kismaayo ayaa ka duwan sidii hore,waxaana wariyeyaasha ku sugan ay soo sheegayaan in Ciidamada Jubbaland ay Maanta siweyn u adkeynayaan amniga Magaalada,isla markaana lagu arkayo wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Kismaayo.Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com




SOURCE: Qabanqaabadii u dambeysay oo ka socota Kismaayo iyo amaanka oo aad loo adkeeyay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.