Qarax dhimasho leh oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

0
75

Muqdisho (Caasimada Online) – Hal qof oo ahaa wadihii gaariga ayaa ku dhintay kadib qarax lagu xiray gaari oo ka dhacay laami yaraha Zoobe ee Magaalada Muqdisho.Gaarigaan oo ah nooca xabadda aysan karin, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu leeyahay mid ka mid ah masuuliyiinta Dowladda Federalka Soomaaliya.Lama oga meesha qaraxa looga xiray gaarigaan, balse Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegaya inay wadaan baaritaanka ku aadan qaraxaasi.Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamada Booliska oo maydka marxuumka dhintay meesha ka qaaday.Laami yaraha Zoobe ayaa waxa ay tahay wado aad u mashquul badan marka loo eego isticmaalka gaadiidka dadweynaha.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Qarax dhimasho leh oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.