Qarax ismiidaamin ahaa oo goor dhow ka dhacay Dhuusamareeb

0
36

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.Qaraxa oo ismiidaamin ahaa ayaa jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan magaaladaDad goobjoogayaal ah aya sheegay inuu is qarxiyey Qof fadhiyey maqaayad lagu shaaxo oo ku dhow xarunta Inji oo uu ku yaallo xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.Khasaare kala duwan ayaa lagu soo warramayaa inuu jiro, balse weli ma cadda inta uu la’eg yahay.Ciidamo fara badan ayaa goobta isku geedaamay, kuwaas oo gabi ahaan xiray dhaq dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay.Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli Dhuusamareeb ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin uu ka mid ah yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaaCaasimada Online Xafiiska DhuusamareebCaasimada@live.com 




SOURCE: Qarax ismiidaamin ahaa oo goor dhow ka dhacay Dhuusamareeb

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.