Qarax khasaaro kala duwan geystay oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho (Khasaaraha)

0
294

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxaa goordhow oo caawa ah laga maqlay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay, ayaa waxa uu si gaara uga dhacay aaga wadadaTaleex.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex qof oo shacab ah, kuwaasi oo la dhigay isbitaalada ku dhow Taleex.
Qaraxa kadib ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaao lagu xaqiijinaayo Qaraxa iyo cidii ka danbeysay.
Si kastaba ha ahaatee, Qaraxan ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho ay maalmahaani ka caaganeyd Qaraxyada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Qarax khasaaro kala duwan geystay oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho (Khasaaraha)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.