Qarax labaad oo Muqdisho ka dhacay iyo ajaaniib caddaan ah oo…

0
261

Muqdisho (Caasimada Online) – Injineero Caddaan ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Qarax goor dhow ka dhacay  afaafka hore Jaamacadda Shabeelle oo ku dhaw xarunta Degaanka Garas-baaley.Qaraxa ayaa ahaa Miino, waxaana uu qabsaday gaari ay saarnaayeen Injineero ka tirsan mid ka mid Shirkadaha Korontadda ee ka howlgalla Magaalada Muqdisho.Saraakiisha ammaanka degaanka Garas-baaley ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhaawacmeen Afar qof oo Saddex ka mid ah ay yihiin Injineero, halka midka Afaraadna uu yahay Askari ilaalo u ah.Labo ka mid ah Injineeradda ayaa ah Ajaanib.Maalmo kahor ayay aheyd markii Qarax gaari oo ka dhacay Degmada Hodan lagu beegsaday Dhaqaatiir isugu jirta Somali iyo Syrian, xilligaasi oo ay ku dhaawacmeen Afar Dhaqaatiir ah.Sidoo kale, qarax kale oo maanta ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon ayaa waxaa la xaqiijiyey inuu hal qof ku dhintay, islamarkaana saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Qarax labaad oo Muqdisho ka dhacay iyo ajaaniib caddaan ah oo…

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.