Qarax xooggan oo caawa ka dhacay Guri ku yaalla Muqdisho iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

0
255

Qarax xooggan ayaa caawa laga maqlay guri ku yaalla degmada H/wadaag, iyadoo jugta qaraxa si weyn looga maqlayay inta badan magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay guri ku dhow Warshadda IVECO oo ku taala Jidka Warshadaha.
Si dhab looma oga qaraxa inuu ahaa mid guriga lagu diyaarinayay iyo in kale, waxaana qaraxa la maqlay abaarihii 11-ka Habeenimo.
Ciidamada ammaanka ayaa ku baxay halka guriga uu qaraxa ka dhacay, iyadoo xaalada ay tahay mid degan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in la qabtay dadkii guriga ku jiray, ayna Ciidamada amniga isku gedaameen guriga iyo agagaarkiisa.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan, iyadoo amniga magaalada uu marayo heerkii ugu xumaa abid.
The post Qarax xooggan oo caawa ka dhacay Guri ku yaalla Muqdisho iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Qarax xooggan oo caawa ka dhacay Guri ku yaalla Muqdisho iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.