Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Dhuusamareeb

0
20

jowhar Somali News Leader
Qarax  xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxa.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa qof is qarxiyay, halka warar kalena ay shegayaan in lagu aasay maqaayad ka soo horjeeda Xarunta INJI oo uu ku howl gallo Sheekh Maxamed Shaakir.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha, iyadoo ay adag tahay in la helo warar rasmi oo ku aadan qaraxa.
Qaraxa ka dhacay Dhuusamareeb ayaa ku soo aaday, xilli magaalada ay ku sugan yihiin wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay tan iyo markii dhamaadkii bishii la soo dhaafay ay gaareen wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay ayay aheyd markii Ciidamada Ahlusuna ay gacanta ku dhigeen qof doonayay inuu isku qarxiyo goob xaflad ka socotay degmada Guriceel.
The post Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Dhuusamareeb appeared first on Jowhar.




SOURCE: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Dhuusamareeb

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.