Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

0
55

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.
Jugta qaraxa ayaa laga maqlay inta badan magaalada,waxaana qaraxa uu ka dhacay agagaarka Taalada Xaawo Taako.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay meel u dhow halka lagu magacaabo Blue Sky oo ku taala qeybta dambe ee Taalada Xaawo Taako.
Qiic iyo uuro ayaa la arkayay oo cirka isku shareeray, si rasmi ah looma oga khasaaraha qaraxa, waxaana goobta qaraxa ka dhacay ku dhow Koontaroolka Tiyaatarka Qaranka oo ay ku sugan yihiin Ilaalada Madaxtooyada.
The post Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho appeared first on jowhar Somali News Leader.




SOURCE: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.