Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama iyo wararkii u dambeeyay

0
72

jowhar Somali News Leader
Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka ee Maka Al-Mukarama, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.
Qaraxa ayaa ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo ku hor qarxay goob maqaayad ah oo ku dhow Saldhiga Booliska Waaberi.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxan oo ahaa mid xooggan si weyn looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Uuro iyo qiic ayaa la arkayay, waxaa la soo sheegayaa inuu qaraxu sababay khasaare kala duwan.
Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo maanta ka dhaca Muqdisho, saaka ayaa gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa oo uu lahaa Taliyaha Nabadsugida Galmudug waxaa uu ku qarxay agagaarka Hotelka Mubaarak ee Wadada Maka Al-Mukarama.
The post Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama iyo wararkii u dambeeyay appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama iyo wararkii u dambeeyay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.