Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahin ka soo baxaya

0
83

Qarax xooggan ayaa goor dhoweyd laga maqlay magaalada Muqdisho, kaasoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday Kolonyo Ciidan ay la socdeen Ciidamo Talyaani ah oo marayay agagaarka Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.
Qaraxa ayaa xooggiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo la arkayay uuro cirka isku shareeray oo laga arkayay goobo ka fog magaalada.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lagu weeraray uu qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay
Ciidamada Talyaaniga ayaa ka mid ah Ciidanka Midowga Yurub ee tababarada siiya ciidanka dowladda, waxaana lagu arkaa iyagoo ku socda gaadiidkooda Milateri.
La soco wixii warar ee ku soo kordha
The post Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahin ka soo baxaya appeared first on Jowhar Somali News Leader.




SOURCE: Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahin ka soo baxaya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.