Qarax xooggan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
382

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay qarax xooggan.Sida aan wararka ku helnay qaraxaas ayaa wuxuu ka dhacay Xeebta Liido, Gaar ahaan Aargada wareegga ah ee halkaas ku taal.Qaraxa ayaa ka dhashay baabuur yaalay Aargada Xeebta Liido oo ah meel baabuurta la dhigto.Ilaa hadda xog faahfaahfan lagama hayo qaraxaas iyo waxa uu ahaa, balse wararka qaar ayaa sheegayo in gaarigaas lagu soo xiray waxyaabaha qarxo isla markaasna uu qatay qof aan weli la ogaan shaqadiisa.Lama soo sheegin khasaaraha ka dhashay qaraxaas, waxayna kaliya Booliska xaqiijiyeen inuu qaraxaas ka dhacay Xeebta Liido.Qaraxaas ayaa waxaa dhawaqiisa laga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho.Wixii warar ah ee kusoo kordho kama soco wararkeena dambe Inshaa Allah.




SOURCE: Qarax xooggan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.