Qaraxii labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo warar hordhac ah oo laga helay

0
258

Muqdisho (Caasimadd Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay Qarax xooggan oo laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada.Qaraxaan oo ahaa mid lagu xiray Gaari ayaa wuxuu ka dhacay Agagaarka Saldhigga Dagmada Waaberi oo ku yaal meel aan sidaas uga fogeyn isgoyska Dabka.Qaraxa ayaa waxaa lagu xiray gaari, wuxuuna ka dhacay iridda hore ee Maqaayadda Barwaaqo oo u dhow Xarunta Saldhigga Waaberi.Sida wararka hordhaca ah sheegayaan Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 7 qof illaa haddana lama sheegin dhimasho.Sidoo kale xog lagama helin weli cidda leh gaariga Qaraxa lagu xiray iyo haddii ay khasaaro kasoo gaartay inkastoo qaraxa ahaa mid xooggan.Qaraxaan ayaa noqonayo midkii labaad oo Maanta ka dhaco Magaalada Muqdisho, waxaana saacado ka hor Qarax ka badbaaday Taliyaha Nabadsugidda Galmudug oo gaarigiisa Qarax loogu xiray xilli uu marayey Shaqaalaha.Wixii Warar ah ee kusoo kordha qaraxaan kala soco Caasimadda Online.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Qaraxii labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo warar hordhac ah oo laga helay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.