Qaraxyo laga dhex maqlay magaalada Marko xili Caanood uu la galay Afartameeyo gaadiid dagaal

0
270

Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Marko ee Caasimadda Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaa laga maqlaayo Qaraxyo xoogan.
Qaraxyada oo kala danbeeyay ayaa la sheegayaa inay geysteen khasaaro kala duwan, waxa ayna kusoo beegmayaan ka dib markii ciidamo uu Hoggaaminaayay Abaanduulihii hore ee CXD Caanood ay saaka gudaha u galeen magaalada.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Qaraxyada dhacay ay garayan ilaa laba Qarax oo laga dhexmaqlay gudaha magaalada Marka, kuwaa oo lagu weeraray ciidamada uu wato Caanood, sida ay wararka nagu soo garayaan.
Ciidamo ka tirsan Militeriga ayaa lasoo warinayaa in Qaraxyada uu kasoo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan la xaqiijin Karin tirada khasaaraha.
Qaraxyada ayaa ka danbeeyay kadib markii Ciidamada uu Hogaaminaayo Caanood ay isku dayeen inay baaritaano ka sameeyan goobo ay saaka faarujiyeen Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa hadda ku sugan dhammaan baraha laga galo magaalada iyo kuwa laga baxo, waxaana xadidan dhaqdhaqaaqa dadka ku nool magaalada.
Sidoo kale, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in Qaraxyo ay degmada Marko kula beegsadeen Ciidamada dowladda ee magaalada qabsaday, isla markaana ay dileen Askar ka tirsan Ciidamada dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan wali ka hadal Qaraxyada goordhow laga maqlay gudaha magaalada Marko.
Caasimada Online
Xafiiska Afgooye
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Qaraxyo laga dhex maqlay magaalada Marko xili Caanood uu la galay Afartameeyo gaadiid dagaal

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.