Qatar oo diyaarad sidda gurmad usoo dirtay Somalia

0
61

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa diyaarad qaar ah oo sidda gargaar caafimaad u soo dirtay Muqdisho, taas oo saaka ka soo ambabaxday magaalada Dooxa.
Diyaaradda oo ah mid milatari ayaa saacadaha soo socda ka soo dagi doonto garoonka Aadan Cadde oo la filayo inay ku soo dhoweeyaan mas’uuliyiinta dowladda.
Gargaaarka ay siddo diyaaraddaan oo loogu tala galay dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii maalin ka hor ka dhacay isgoyska Ex-Control Afgooye ayaa waxaa bixiyey sanduuqa hormarinta ee dalka Qatar.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay qaadi doonto qaar ka mid ah dhaawacyada daran ee ku jira isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho.
Waa diyaaraddii labaad ee soo gaarta Muqdisho, iyadoona shalay tii koowaad oo ka timid Turkiga ay qaaday 16 dhaawacyo ka mid ahaa dadkii ay waxyeeladu soo gaartay.
Qatar iyo Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka, waxaana si gaar ah ay uga qeyb qaataan gurmadka deg dega ah ee loo baahan yahay.
Weerarkii Ex-Control Afgooye ayaa ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa, waxaana weli saameyntiisa laga dareemayaa magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.




SOURCE: Qatar oo diyaarad sidda gurmad usoo dirtay Somalia

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.