Qiso Gaaban Oo Cajiib Ah Kana Turjumeyso Isku Halaynta Waalidka

0
1891

Gabadh yar iyo aabaheed ayaa ka talaabayay goob biriish ah , aabaha ayaa u baqday
gabdhiisa yari inay ka dhacdo biriishka cidhiidhiga ah. Waxaana uu ku yidhi
inantiisa yar “ Aabo u qabso gacantayda si adag si aanad ugu dhicin webiga”.
Gabadhii yarayd ayaa ugu jawaabtay Aabo maya, adigu qabo gacantayda”.
Aabaha ayaa si yaab leh u eegay inantiisa yar oo ku yidhi “ Aabo Maxaa u dhexeeya
ee farqi ah?” “. Si degdeg ayaya ugu jawaabtay waxaana ay ku tidhi “ Aabo haddii
aan anigu qabsado waxa laga yaaba inaan u adkaysan waayo oo aan sii daayo,
laakiin adigu marna ima sii daynaysid si kasta oo aad u dareento cidhiidhi” .
Xikmaduna waa in gacantaad aad u dhiibto kuwo aad ku jecel. Waxaana ay
muujinaysaa in waalidku yahay mid u naxariis badan ubadkiisa, Waana in
ubadkuna sidaasi oo kale ugu naxariistaan waalidka.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.