Qodob musharaxiin badan daaqadda ka saaraya oo lagu soo daray shuruudaha doorashada Puntland

0
331

Garowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa shaaciyay sharuudaha laga doonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.Waxaa guddiga uu soo rogay shuruudo badan, hase yeeshee waxaa ugu adag shuruudda koowaad, qeybta T, taasi oo dhigeysa in musharaxa uu dalka ku sugnaa labadii sano ee ugu dambeysay.Inkasta oo guddiga uusan sharxin qodobkana, haddana waxaa muuqata in musharaxiin badan aysan buuxin karin qodobkaas, maadaama intooda badan ay qurbaha ka yimaadeen xiligii doorashada un.Guddiga ayaa laga sugayaa inuu sharxo qodobkaas, waxaana caddeyn u baahan in joogitaanka macnihiisu yahay joogitaan deganaansho, iyo inay uga jeediyaan in labadii sano ee lasoo dhoofay uu dalka imanayey.Dhinaca kale, guddiga doorashada ayaa shaaciyay in Musharaxii u tartamaya Madaxweynaha cusub ee Puntland laga rabo lacag dhan  $20,000, isla markaana Musharaxii u tartmaya Madaxweyne ku xigeenka Puntland laga doonayo in uu bixiyo lacag dhan 10,000 oo doolar.Guddigan ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha ay dhaceyso 8 Janaayo, waxaana u taagan musharixiin badan oo ka badan 25 musharax.Hoos ka akhriso sharuudaha musharixiinta




SOURCE: Qodob musharaxiin badan daaqadda ka saaraya oo lagu soo daray shuruudaha doorashada Puntland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.