Qorshaha cusub ee madax goboleedyada iyo halis ku soo wajahan DF Somalia

0
325

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay kala furfurista madaxda maamul goboleedyada oo si weyn u mucaaradsanaa xukuumadda iyo hogaanka dowladda haatan dhisan.Shariif Xasan, oo ahaa siyaasiga ugu adag madaxda maamul goboleedyada ayaa ka tanaasulay xilka madaxweynaha iyo musharaxnimada Koofur Galbeed, kadib markii uu qiimeeyay in dagaal adag uusan kusii jiri karin marka uu dareemay culeeska dowladda saartay Koofur Galbeed.Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxaa mar walbaa laga filan karaa halis siyaasadeed iyo abaabulka  xubno caqabad ku noqda dowladda Soomaaliya.Shariif Xasan Sheikh, wuxuu qorsheynayaa inuu Saldhig ka dhigto magaalada Nairobi ee dalka Kenya ama dalka Uganda, halkaasi waxaa ka imaan karta abaabulka Xubno isku xiran oo uu kula dagaalamo dowladda hadda dhisan oo doonaya inay dib usoo laabtaan doorashada xigta.Waxaa jiray xiriir wanaagsan oo u dhaxeeya Shariif Xasan iyo C/Welli Gaas, waxaana soo baxaya in Cabdi Welli Gaas oo isagana wajahaya doorasho adag, oo aan la ogeyn inuu kusoo bixi doono iyo in kale.Gaas ayaa waxa uu hadda qorshihiisa yahay inuu Shariif Xasan ku taageero dagaal siyaasadeed ka billaabanaya Nairobi iyo mooshino lagu furo dowladda, islamarkaana haddii isagana looga adkaado doorashada Puntland uu dagaalkaas kula biiro Shariifka, oo uu tago Nairobi.Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qorshaha ay wataan uu yahay in doorashada xigta ay dagaal adag la galaan Farmaajo iyo Kheyre, mana doonayaan inay ku biiraan xisbi siyaasadeedka Xasan Sheikh hogaanka uu u hayo, maxaa yeelay marar badan ayay siyaasadda isku qabteen.Qorshaha kale ee ay damacsan yihiin ayaa ah in Axmed Madoobe uu sii adkeysto hoggaanka Jubbaland, isaga oo kaashanaya ciidamada Kenya, mana jiro qorshe uu ka leeyahay inuu doorasho qabto.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Qorshaha cusub ee madax goboleedyada iyo halis ku soo wajahan DF Somalia

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.