Qorshaha dibad-bax lagu taageerayo Farmaajo oo ka socda Muqdisho.

0
58

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa wado olole lagu diyaarinayo banaanbax weyn oo lagu taageeri rabo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kadib culeys siyaasadeed oo soo wajahay.Yariisow ayaa isugu yeeray dhammaan Guddoomiyaasha iyo madaxda 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir, wuxuuna la qaatay kulan xasaasi ah oo looga hadlay in 17 Degmo ee Gobolka Banaadir laga soo aruuriyo dad tiro badan oo Madaxweynaha u muujiyo taageero si looga yareeyo culeyska siyaasadeed ee maalmihii dambe saarnaa.Banaanbaxaan oo lagu tilmaamay inuu yahay midkii ugu weynaa ee lagu taageeri doono Madaxweynaha ayaa ka dhici doono Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis, wuxuuna qorshaha yahay inuu dhaco Maalinta Berri ah ama Jimcaha inkastoo ay u badan tahay inuu Berri dhaco.Banaanbaxaan ayaa loo diyaariyey inay kasoo qeybgalaan Haweenka u diiwaan gashay Degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaas oo la geeyo banaanbaxyada, sidoo kalana waxaa jiro qaar kale oo laga keeni doono xirooyinka Barakacayaasha kuwaas oo la siin doono lacago.Banaanbaxaan ayaa kusoo aadayo Xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo cadaadis kala kulmayo dhanka sugidda Amniga Muqdishi iyo dilalka loo geysanayo darawlada Bajaajyada.Madaxweyne Farmaajo ayaa  dhaliilay fal celintii ka dhalatay dhalinyarada la laayay ee ahaa banaan baxyadii ka dhashay, isagoo xusay in aan la aqbaleyn banaan bax aan sharciyeysneyn.“Wax kastoo dhaca dowlad baad leedihiin, dowlad baad doorateen, annagu ma xoog baan ku nimid, anaga rabitaankiina ku nimid, qofkii wax tabanaaya ma aha inuu cadaalada iyo sharciga gacantiisa ku qaato, ma aha inuu bur buriyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, ma aha inuu gacan siiyo Cadawga aan la dagaaleeno ee Argagixisada ah, banaan bax aan sharciyeysneyn ma yeeleyno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Qorshaha dibad-bax lagu taageerayo Farmaajo oo ka socda Muqdisho.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.