Qorshaha Kenya AIRWAYS ee Somalia iyo khaadka maxaa ka dhaxeeya? (Aqri)

0
260

Nairobi (Caasimada Online) – Maamulka Diyaaradda Kenyan Airways ayaa ka hadlay arin la xiriirta in duulimaadyadooda ay ku imaanayaan magaalada Muqdisho uu qeyb ka noqon doono inay Khaat keenaan magaalada Muqdisho.Kenya Airways ayaa la filayay in 5 December socdaalkeedii ugu horeeyay ku timaado Muqdisho balse ma aysan dhicin, Waxaana wareysi uu bixiyay Macharia Kamau uu ku sheegay in diyaaradda ay xooga saartay horumarka iyo safarkeeda cusub ee Nairobi iyo New York.Masuuliyiinta diyaarada Kenyan Airways ayaa sheegay in marnaba uusan qorshaha ugu jirin inay Khaat keenaan magaalada Muqdisho, kaasi oo Kenya ay dhaqaalo badan ka hesho sanadkii.“Wax Khaad ah “Miraa” ma ahan ahmiyadeena socdaalkaan. Waxaan dooneynaa inaan kordhino inaan qaarno macaamiisheena ka shaqeysa Soomaaliya iyo kuwa maalgashada,  arinta kale ee soo raaci karta ayaa ah inaan abuurno fursado wada shaqeyn oo maalgashadayaasha, Ganacsatada iyo dalxiisayaasha ah”ayuu yiri masuulka u hadlay Kenya Airways.Warar soo baxayay ayaa sheegaya in waxyaabaha la isku qabtay ay qeyb ka aheyd in diyaaradda ay dooneyso inay Khaat keento magaalada Muqdisho, waxaana diyaarado gaar ah ay khaatka keenaan Muqdisho.Maamulka ayaa sheegay in todobo jeer ay isbuucii duulimaadyo ku tagi doonaan magaalada Muqdisho, balse hadda dib ayaa loo dhigay duulimaadyada diyaaradda ay ku imaan laheyd magaalada Muqdisho.Waxyaaba keenay dib u dhaca duulimaadyada Muqdisho waxaa qeyb ka ah nooca diyaaradeed ee ay safarkooda  u adeegsan doonaan, iyadoo shirkadda ay dooneysay in diyaarad horey dowlado baddan kaga diideen u adeegsato socdaalkeeda Muqdisho.Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com




SOURCE: Qorshaha Kenya AIRWAYS ee Somalia iyo khaadka maxaa ka dhaxeeya? (Aqri)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.