QORSHE: Kooxda Juventus Oo Xiddig & Waliba Lacag Isugu Daraysa Si Ay Man United Uga Hesho Paul Pogba & Taas Oo Faa,iido Weyn U Ah Red Devils.

0
58

Kooxda Juventus ayay kaga dhagantahay helitaanka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba iyada oo haatan dagsatay qorshe cajiib ah oo ay damacsan tahay in ay Red Devils ugu qanciso in ay xiddiga u ogolaato in uu ku laabto Magaalada Turin.
Juventus ayaa diyaarinaysa dalab dhan 50 Milyan oo euro iyo waliba xiddiga weerarka uga ciyaara ee Paulo Dybala si ay u hesho xiddiga Paul Pogba sida ay sheegayaan wararku.
Pogba ayaa Turin ka tagay 2 sano ka hor isaga oo ku soo laabtay Old Trafford laakiin waxa si weyn loola xiriirinayaa in uu doonayo in uu mar kale isaga tago kooxda Man United.
Barcelona ayaa isku dayday suuqii xagaaga in ay hesho xiddiga reer France waxana la filayaa in ay dib u soo cusboonaysiiso xiisihiisa marka uu suuqa January dib u furmo.
 
Laakiin Kooxda Barcelon ayaa dagaal adag kala kulmaysa kooxda Juventus oo ay ka go,antahay in ay u soo ceshato xiddiga si uu uga garab ciyaaro Cristiano Ronaldo.
Sida laga soo xigtay Daily Mirror Juventus ayaa xiddiga reer Argentine ee Dybala u isticmaali doonta in ay United ugu qanciso in ay ka iibiso Pogba mar kale.
Waxa la sheegayaa in uu xiddiga 24 jirka ah ee Dybala ka fiirsanayo mustaqbalkiisa kadib markii uu si xun ku bilowday xilli ciyaareedka kana dambeeyo Cristaino Ronaldo.
Intii lagujiray fasaxii xulalka pogba ayaa qirtay in laga yaabo in uu ka tago United Suuqa January waxana ay Juventus diyaar u tahay dalabka kor ku xusan oo qancinaya labada dhinacba.
 




SOURCE: QORSHE: Kooxda Juventus Oo Xiddig & Waliba Lacag Isugu Daraysa Si Ay Man United Uga Hesho Paul Pogba & Taas Oo Faa,iido Weyn U Ah Red Devils.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.