Qoyska nin ku dhintey xabsiga dhexe oo weli diidan in la aaso meydkiisa

0
35

Qoyska Xasan Kurtun Calasoow oo ka mid ahaa maxaabiista ku xirneyd xabsiga dhexe ee xamar ayaa weli diidanin la aaso meydka Xasan Kurtun iyagoo dalbanaya in sharciga la horkeeno  Taliyaha xabsiga dhexe General Maxamed Sheekh Xirsiile.

Ehelada Xasan Kurtun ayaa ku eedeeynaya taliyaha xabsiga dhexe in wiilkooda
uu u geeriyooday dayacaad uu sababteeda lahaa taliyaha.

Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Sarreeye Guuto Maxamed Shiikh Xirsiile ayaa
lagu eedeeyey in uu Isbitaalka Yardımeli ee Muqdisho kala baxay Xasan Kurtun
Calasow oo ahaa bukaan Xabsiga Dhexe ku xanuunsaday kaddibna ay dhakhaatiirta
Xabsiga sheegeen in aan wax looga qaban karin Isbitaal ku yaal gudaha xabsiga
dhexe ee Muqdisho.

Qoyska Bukaanka ayaa sheegay in Taliyaha Xabsiga Dhexe oo adeegsanayo awood
ciidan uu xoog ku galay Isbitaalka uu bukaanka jiifay, waxayna sheegeen in uu
bukaanka ku qaatay mid ka mid ah Gawaarida gargaarka oo laga leeyahay Xabsiga
Dhexe, isla markaasna sita Astaanta calaamadda Ciidamada Asluubta Soomaaliya.

Qoyska marxuumka oo muuqaal ka duubayey marka uu taliyaha falkaan
sameenayey ayaa muuqaalka ku dhex sheegay waqtigaas inuu taliyaha awood u
sheeganayo isla markaasna uu isaga qaadi doono mas’uuliyadda bukaankaan haddii
uu dhinto.

Hase yeeshee taliyaha xabsiga dhexe General Xirsiile ayaa sheegay in maxbuus aan lagu hayn karin isbitaal aan ka ahayn kuwa dowlada sidaa awgeedna uu  uga soo saaray isbitaalkii la geeyay marxuumka uuna keenay isbitaal Martini.

Taliyaha ayaa sheegay in
markii uu labo maalmood ku jirey isbitaal Martini uuna soo ladnaaday marxuumka
balse tii Alle ay u timid markii dambe.

Waxaa socda haatan dadaalo
lagu doonayo in qoyska ay oggolaadaan inay aastaan meydka balse arrinta dib
dambe loogaga hadlo.

Waxaa magaalada Muqdisho ku
soo badanaya dadka diida in la aaso meydka ilaa laga helo cadaalad sababta
keentay geeridiisa. Dhowaan ayaa ehelada sarkaal ka gaaray darajada General ay
diideen in la aaso meydka generalka kadib markii sarkaal ka tirsan ciidamada
xoogga uu ku diley gurigiisa dhexdiisa.




SOURCE: Qoyska nin ku dhintey xabsiga dhexe oo weli diidan in la aaso meydkiisa

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.