Qudus maanta lama qaadan!!

0
273

Waxa uu ahaa hadal iyo go’aan laga filan karay inuu Mar kasta uu kasoo baxo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in Magaalada barakeysan ee Qudus uu u aqoonsado Caasimadda Isra’el , tan oo ay mar kasta Yuhuuddu naawili jirtay lahaanshaheeda.

Inta uusan ku dhawaaqin go’aankaan, Trump ayaa maalmo ka hor boggiisa Twitter-ka kusoo qoray inuu sidaasi yeeli doono , laakiin ugu dambeyn maanta ayuu qaatay taas oo runtii carro badan ay ka qaadeen malaayiin Muslimiin ah oo jooga dunida hareeraheeda.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa la aaminsanyahay in cirqi ahaan uu kasoo jeedo Isra’el , hoggaaminta Mareykankana waxa uu uga faa’ideysanayaa in wax badan oo ay yuhuuddu dooneyso uu meel mariyo , tan oo aysan horay ugu dhiirran waayeen madax badan oo isaga ka horeeyey.

Waxaa suura-gal ah in marka la eego sida uu go’aamada ugu deg-degayo in Trump uu banaanka soo dhigo inuu yahay Mareykan Isra’eli ah .

Madaxweynaha Turkiga Rajab D. Erdogan oo xiran cimaamad astaanka u ahayd Yassir Carafaad.
Madaxweynaha Turkiga Rajab D. Erdogan oo xiran cimaamad astaanka u ahayd Yassir Carafaad.

Yaa ka fal-celiyay go’aanka uu qaatay Trump?

 

Wadamo  badan ayaa durbaba cambaareeyay hadalkii iyo go’aankii Trump , Laakiin marka laga yimaado qoraalada Soo baxay ee lawada jeediyay, waxaa go’aan kale oo cad qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Rajeb Deyip Ordogan , kaasi oo sheegay in Isra’el iyo Qudus ay noqon doonaan bar cas oo lagu loolamo.

Dhinaca kale, waxa uu qiray in dowladdiisa haddii aan laga baaqsan go’aanka Trump ay xiriirka u jari doonaan Isra’el , tan oo muujineyso in dharbaaxyo adag ay ku noqoneyso Dowladda mareykanka.

Xukuumadda Ankara intaasi kuma ekeysan , oo waxa ay shir heerkiisu sareeyo oo deg-deg ah isugu yeertay Madaxda Golaha Iskaashiga Islaamka , kaasi oo Arbacada soo socota ka dhici doona Magaalada leh xadaaradda fog ee Istanbul .

Shirkaasi waxaa lagu go’aamin doonaa masiirka Qudus iyo qadiyadda Falastiin , oo hadda u muuqaneysa  in ay isku badashay mid is tusi doonta awoodo kala waaban jiray.

Ordogan ayaa caawa fiidkii hore qadka Taleefonka kula hadlay Boqorka Sacuudi Salmaan Binu Cabdicasiis , Labada Masuul ayaa kawada hadlay Arrintan xasaasiga ah, sida lagu helay xog Warbaahinta usoo dustay.

Turkiga ayaa saaxiib dhow la ah Ruushka oo ay Mareykanu siyaasad ahaa is-diidanyihiin, Laakiin Labada Hoggaamiye Vladamir Putin  iyo Donald Trump ayaa la aaminsanyahay iney yihiin kuwo isku dhow sida ay horayba uga shakiyaan Sirdoonka Wadankaasi ee CIA-da.

Waxaa suura-gal ah in Putin uu Trump ka dhaadhiciyo in go’aankiisa uu dib uga laabto, Inkastoo ay adagtahay inuu taasi yeelo , haddana waxaa laga yaabaa in go’aanka kasoo baxay Aqalka-cad  lagusoo koobo hadal uusan ficil la socon.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Falastiin, Maxamuud Cabaas.

Falastiiniyiintu Maxey ka yiraahdeen go’aankii Trump?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Falastiin Maxamuud Cabaas “Abuu Maasin” ayaa  shir uu qabtay waxa uu sheegay in arrintan  uu ku dhawaaqay Trump ay tahay mid qeyru caadi ah , damiirka wanaagsanna uusan aqbali Karin, dhinaca kale waxa uu sheegay in ammaanka bariga  dhexe ay ku yeelaneyso saameyn fog oo khatar xambaarsan , jidna ugu furi karto  in kooxaha mayalka adag Qudus usoo weecdaan, tan oo  yahuudda gelin karta in si fudud lagu beegsan karo.

Geesta Kale Dhaq-dhaqaaqa wax iska Caabinta Xamaas  oo soo saaray  hadal kooban  ayaa uga jawaabay go’aankii Trump inuu Albaabada u furay Naar ,  Dhadhanka hadalkan ayaa noqon kara dagaal mar kale dib u qarxa , iyagoo amray dhalin-yarada iyo xooggag iska caabinta iney arrintan ka fal-celiyaan  Islamarkaana ay ka dhiidiyaan iskuna soo baxaan 8-da December  .

Xamaas Waxey sidoo kale sheegtay in go’aanka Madaxweyne Trump uusan dabooli Karin xaqiiqda ah in Qudus ay tahay Magaalo Carbeed oo ay leeyihiin  Muslimiinta iyo Falastiiniyiinta.

Trump iyo Netanyahu

Maxaa ka dhaxeeya Mareykanka iyo Isra’el ?

 

Markii ay Isra’el ku dhawaaqday iney tahay Dowlad ka dhalatay Bariga-dhexe  14-tii May 1948-dii Mareykanku waxa uu noqday Dowladdii ugu  horeysay ee siisay ictiraaf buuxa , taageero dhaqaale iyo saanad ciidanna waa uu ku taageeray.

Dhowr jeer oo hore oo ay wajahayeen in laga hadlo tacadiyada ay geystaan ayaa waxa uu ku taageeray Codka diidamada qayaxan ee “Veto”.

Qudus Maanta Lama qaadan.

Marka loo eego Sooyaaladii hore Qudus waxey aheyd meel tabaneysay in Madaxdii carabtu iyo hoggaamiyayaashii wadamada Islaamku ay ka seexdeen in laga xoreeyo Yahuudda .

Haddana Mareykanka waxaa u muuqatay sida uu Wadamada Islaamka gaar ahaan Khaliijka uu xog-ogaal ugu yahay in aysan ku dhiiran Karin dagaal ay arrintaasi uga dhiidhiyaan , waxa uuna Trump u gartay in la joogo xilligii Isra’el loo xalaaleyn lahaa Qudus.

Laakiin arrintaan ayaa  dhacaysa xilli Wadamada Carabta qaar badan oo ka mid ah aysan dabka isku doonan.

W/Q:- Cabdicasiis Axmed Barrow

Caguje79@gmail.com

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.