R/W Kheyre oo wada qorshe isbeddel loogu sameynayo taliyayaasha amniga Somalia

0
211

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Xafiiska R’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo qorsho lagu doonayo in isbedel lagu sameeyo Taliyayaasha  Hay’adaha amniga.
Wararku waxa ay sheegayaan in Taliyayaasha qaar lagu sameyn doono xil ka qaadis, halka qaarna ay sii heyn doonaan xilka ay u hayaan Qaranka.
Taliyayaasha weyn doona xilkooda ayaa waxaa booskooda lagu buuxin doonaa Taliyayaal kale oo la sheegay inay khibrad u leeyihiin howlaha amni ee dalka kuwaa oo muddo fog lasoo shaqeeyay dowladii dhexe ee burburtay.
Illo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheega in Taliyaha Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad lagu helay isdabamarin dhanka gaadiidka iyo qalabka Booliska, halka taliyaha ciidamada Nabadsugida lagu eedeeyay howl gudasho la’aan dhanka shaqooyinka, sida aan xogta ku heleyno.
Xogta ayaa intaa kusii dareysa in Taliyayaashasi ay si wada jira iyo si gaargaar ahba ula kulmeen Ra’isul wasaare Kheyre hase yeeshee ay isku fahmi waayen kulamadooda.
Sidoo kale, Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa la sheegay in labadaasi Taliyayaal uu ka dhadhamiyay u jaleecida dhinacyada mucaaradka iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada ee taageerada u ah Xisbiyada kasoo horjeeda Siyaasada dowlada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: R/W Kheyre oo wada qorshe isbeddel loogu sameynayo taliyayaasha amniga Somalia

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.