Rabashado ka bilowday magaalada Jigjiga iyo rasaas la maqlayo+Sawirro

0
68

Jigjiga (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada jigjiga ayaa sheegaya in rabshado ay ka bilowdeen magaalada Jigjiga, waxaana xaafadaha qaar laga maqlay rasaas dhaceysa.Wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah dadka kasoo jeeda Qowmiyadda Amxaarada ay xireen waddooyinka qaar ee magaalada,waxaana joogsaday dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo gaadiidka dadweynaha.Wararka ayaa sheegaya in qowmiyadda amxaaradda ay ka caroodeen gaadiid ay lahaayeen iyo goobaha ay ku cibaadeystaan oo waxyeelo la gaarsiiyay.Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka magaalada Jigjiga, xaalada ayaana caawa u muuqata mid qasan. La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah.Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com




SOURCE: Rabashado ka bilowday magaalada Jigjiga iyo rasaas la maqlayo+Sawirro

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.