|

Rag dil ka geystay Muqdisho oo la soo bandhigay iyo Maamulka Gobolka Banaadir…

Ciidamada ammaanka ayaa maanta gacanta ku dhigay rag hubeysan oo maanta askari ku dilay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyadoo ragga la qabtay uu dhaawac yahay.
Raggan hubeysan ayaa la sheegay in markii ay dilka u geysteen askariga, ay durba ku baxeen ciidamo goobta ka ag dhowaa, iyagoo ceyrsaday, isla markaana mid ka mid ah dhaawacay.
Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye kuxigeenka Ibraahim Dheere ayaa ku boggaadiyay ciidamada gacanta ku soo dhigay raggan dilka geystay, isagoo xusay in raggan ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in raggan la horgeyn doono Cadaaladda, isla markaana wixii ay geysteen laga abaal marin doono.
Inkastoo aanay muddooyinkan magaalada ka dhicin dilalkii qorsheysnaa ee ay geysan jireen kooxaha hubeysan, kaddib markii Ciidamada ammaanka ay xoojiyeen amniga degmooyinka.

The post Rag dil ka geystay Muqdisho oo la soo bandhigay iyo Maamulka Gobolka Banaadir… appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Rag dil ka geystay Muqdisho oo la soo bandhigay iyo Maamulka Gobolka Banaadir…

DAAWO WAREYSI IYO JAWAAB UU M. FARMAAJO KA BIXIYEY

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application