Ra’iisul Wasaaraha oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay

0
245

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa xalay saqdii dhexe booqday qaar kamid ah isbitaaladii la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhaawacyada ku booqday Isbitaalada Madiina iyo Erdogan Ex-Digfeer oo la dhigay dadka ugu badan, waxaana uu u kuurgalayay xaaladoodi caafimaad iyo in ay helaan adeegyo caafimaad oo kufilan iyo in kale.
Waxaa uu Alle uga baryay in uu caafimaad siiyo dhaawacyada, isagoo umadda Soomaaliyeedna uga tacsiyadeeyey dadkii kale oo ku dhintay qaraxyadaasi.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamuud oo kamid ahaa mas’uuliyiintii wehlisay raiiusl wasaaraha ayaa ka hadlay kormeerkoda iyo waxyaabihii ay la kulmeen.
“Waxaan soo marnay isbitaalada Madiina iyo Erdogan marka shacabka waxaan u sheegayna in Raiisul Wasaaraha uu u taagan yahay in uu u shaqeeyo shacabka, waxaa taasi daliil u ah in xili dambe oo habeen ah uu socdo oo idinka warqabo,yaan la niyad jebin dalka wuu hagaagidoonaa,waan ka adkaan doonaa kooxahaasi,gacmo wdajir bay wax ku gooyaan ha la isku duubnaado,marka Soomaaliya waxaan u rajeynayaa guul iyo gobanimo.
Labo qarax oo loo adeegsaday gawaari ayaa shalay kooxaha argagixisadu waxaa ay dad shacab ah kula beegsadeen ag agaarka Matxafka Qaranka iyo Taaladda Daljirka,tani ayaa kor u qaadaysaa hamigii ahaa in meel looga soo wada jeesto argagixisada.
The post Ra’iisul Wasaaraha oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay appeared first on Jowhar Somali News Leader.




SOURCE: Ra’iisul Wasaaraha oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.