Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda

0
256

jowhar Somali News Leader
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay amniga caasimadda oo lagu qabtay taliska qeybta guud ee Booliska gobalka Banaadir.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen wasiirka amniga gudaha, guddoomiyaha gobalka Banaadir, taliyaasha ciidanka iyo khuburo amni ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta iyo ka mira dhalinta qorshaha sugidda amniga dalka gaar ahaan amniga caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin iyo tallooyin ka dhagaystay khuburada loo xil saaray aruurinta xogaha amni ee ay soo gudbiyaan laamaha amniga, waxa uuna ku ammaanay hay’adaha amniga dadaalka ballaaran ee ay ugu jiraan badbaadina nafta iyo hantida mawaadiniinta Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa Hay’adaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibaaraan dadaallada ay ugu jiraan xasilinta caasimadda si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan nabad buuxda.
The post Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.