Ra’iisul Wasaare Kheyre “Dowladnimadeennu waxay ku soo dhacday Waddada saxda ah”

0
99

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qayb galay munaasabadda daah-furnaanta maaliyadda dalka ayaa sheegay in si isku filnaansho loo gaaro ay lagama maarmaan tahay in mas’uuliyad la iska saaro shaqooyoinka fududayn kara yagleedidda mustaqbal ifaya.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in aasaaska dawladnimada Soomaaliya oo waqti dheer Jihada ka lunsanayd ay hadda haleeshay waddo sax ah, hase yeeshee la taagan yahay bilaawga dariiqa saxan loona baahanyahay in waddadaas lagu taagnaado oo aan mar kale jihadu ka qaldamin.
Waxaa uu kula dardaarmay mas’uuliyiinta dowladda in ay ilaaliyaan ammaanada oo ay ka fogaadaan xatooyada xoolaha dadwaynaha iyo joogtaynta sababihii dariiqa wanaagsan ka leexiyay dawladnimada Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen laaluush, musuqmaasuq iyo qabyaalad.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in habka kaliya ee shaqo abuur loogu samayn karo dhallinyada Soomaaliyeed, ciidan xoog leh lagu dhisi karo, daynta looga cafin karo dalka ay tahay in la horumariyo dhaqaalaha, arrintas oo iyana ku xiran in musuqa lala dagaallamo iyo in shaqooyinka loo diro shaqsiyaad karti u leh, wasiir kastana uu wasaaraddiisa ka bilaabo isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.
Barnaamijka daah-furnaanta maaliyadda oo ay hormuud ka tahay wasaaradda maaliyadda xukuummadda fedraalka Soomaaliya ayaa loogu tala galay in ummadda Soomaaliyeed ay kula socdaan dakhliga dawladda soo gala, ilaha dakhliga iyo sida loo maamulo, maadaama shacabku ay leeyihiin hantida, muhiimna ay tahay in ay si daah-furan ula socdaan hannaanka loo maamulo.

The post Ra’iisul Wasaare Kheyre “Dowladnimadeennu waxay ku soo dhacday Waddada saxda ah” appeared first on Jowhar Somali News Leader.




SOURCE: Ra’iisul Wasaare Kheyre “Dowladnimadeennu waxay ku soo dhacday Waddada saxda ah”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.