Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Amar culus siiyay Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Xoogga

0
265

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta saraakiisha ciidanka xoogga dalka kula hadlay xarunta wasaaradda difaaca dalka iyo taliska ciidanka xoogga, ayaa amar ku bixiyay in la dardar geliyo qorshaha dib-u-dhiska ciidanka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay dalka uga suganyihiin Al-Shabaab.Ra’iisul wasaaraha ayaa ku celiyay in dawladda Soomaaliya ay garab taagantahay ciidanka xoogga dalka ayna u dhamaystirayso dhammaan agabka ay u baahanyihiin si ay gacanta ugu dhigaan dalka oo dhan .Ra’iisul wasaaaraha ayaa ciidanka qaranka Soomaaliyeed ku ammaanay dawrkooda iyo kaalinta ay uga jiraan ilaalinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed maadaama ay iyagu yihiin cidda kaliya ee dhiigeeda ku bixisay ilaalinta calanka iyo ciida Soomaaliyeed.Wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo munaasabadda joogay ayuu ra’iisul wasaaruhu faray in tayanta ciidanka iyo isla xisaabtanka muhiimmad gaar ah la siiyo, isaga oo saraakiisha kale ee ciidanka usoo jeediyay in ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran wiilasha iyo gabdhaha ciidanka ah ee soo go’aansaday in dhiigooda u huraan badbaadinta qarannimada, habeen iyo maalinna u taagan .Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com 




SOURCE: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Amar culus siiyay Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha Xoogga

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.