Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Garowe kula kulmay Madaxweynaha Galmudug

0
293

jowhar Somali News Leader
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay magaalada Garowe kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu la kulmay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug.
Warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, isla markaana loo abuuri lahaa jawi ka duwan xaaladihii hore.
Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug ay muujiyeen isu soo dhowaansho iyo sidii is faham looga gaari lahaa mad-madowga labada dhinac u dhaxeysa.
Madaxweynaha Galmudug ayaa dhowr jeer ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha inay faragelin ku hayaan Maamulka Galmudug, waxaana khilaafka dowladda dhexe iyo Galmudug uu ahaa mid soo jiitamayay muddo labo sano ah.

The post Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Garowe kula kulmay Madaxweynaha Galmudug appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Garowe kula kulmay Madaxweynaha Galmudug

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.