Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Hoggaamiyaha Ahlusuna

0
109

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kula kulmay magaalada Dhuusamareeb Hoggaamiyaha Ahlusuna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, iyadoo kulankan looga hadlay dhameystirka maamulka Galmudug iyo caqabadaha ka taagan soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana laga hadlay xal u helida tabashooyinka ay qabaan Ahlusuna ee ku aadan soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay shaqaaqadii habeen hore ka dhacday magaalada Dhuusamareeb iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa ammaanka, loona abuuri lahaa jawi nabdoon oo ay ku suura gasho doorashooyinka la filayo in dhowaan dhacaan.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Ahlusuna ayaa sheegaya inay dalbadeen fulinta balan-qaadyadii horay loo sameeyay iyo heshiisyadii lala galay, sidii Liiska Xildhibaanada 20-ka ah ee ay soo xulatay Ahlusuna loo dhaqan gelihaa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa inuu la kulmo Odayaasha dhaqanka ee saxiixayaasha Galmudug iyo sidii loo dardar gelin lahaa soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Jadwalkii uu mar kale soo bandhigay Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, waxaana maalintii shalay ay ku beegneyd xilliga loo muddeeyay soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, waxaana laga yaabaa inuu waqtiga sii dheeraado, sida xilliga la qabanayo doorashada oo horay loogu asteeyay 9-ka bisha Janaayo ay haatan ka harsan tahay 8 maalmood.

The post Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Hoggaamiyaha Ahlusuna appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Hoggaamiyaha Ahlusuna

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.