Ra’iisul Wasaare Kheyre oo sanadkii 3aad oo xiriir ka qeyb galaya Madasha Doha Forum

0
18

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo sanadkii sedaxaad uu uga qayb gelayo madasha Doha Forum.
Madasha Doha oo ay ka qeyb gelayaan madax ka socota qaar kamid ah dowladaha caalamka iyo hey’ado caalami ah, sanadkaanna looga hadlayo ajandayaal ay kamid yihiin amniga, teknoolojiyadda, dhaqanka iyo ganacsiga ayaa soconeysa Deseembar 14-15, 2019.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa madasha Doha ka qayb galay sanadihii 2017 iyo 2018, waxaana sanadkan 2019 uu noqonayaa markii 3aad ee xiriir ah uu ka qeyb galo
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac iyo mas’uuliyiin kale ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarka uu ugu baxay dalka Qatar.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelanayaa madaxda Qatar iyo qaar kamid ah madaxda kale ee ka qayb geleysa madasha Dooxa.
The post Ra’iisul Wasaare Kheyre oo sanadkii 3aad oo xiriir ka qeyb galaya Madasha Doha Forum appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo sanadkii 3aad oo xiriir ka qeyb galaya Madasha Doha Forum

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.