Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada

0
8

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Aswan ee dalka Masar kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada François-Philippe.
Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo François-Philippe, ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Canada, waxaana kulanka ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo xariir ah oo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirrada ku wehliya socdaalkiisa ay la yeelanayaan qaar kamid ah mas’uuliyiinta ka qayb gelaysa shirka madasha Aswan ee nabadda iyo horumarka waara ee ka furmay Masar.
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa shirka ka qeyb galay.

The post Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.