RAMOS OO ISKU BADALAY FANAAN COD MACAAN.

0
214

Daafaca kooxda Los Balancos kana soo jeeda dalka Spain Sergio Ramos ayaa soo duubay muuqaal hees aad u macaan oo uu qaadayo.

Heestaan ayaa waxaa lagu muujinayaa sida ay xidigaha xulka spain isugu diyaariyeen in ay ciyaaraan koobka dunida waxaana xidigan lama moodaa fanaan si wanaagsan u fahansan habka heesaha loo qaado.

Waxaa 3 jeer oo xiriir ah kula soo guulaystay kooxdiisa Real Madrid Koobka sida wayn loogu xifaaltamo ee Champions Leage iyadoona haatan xidigaha ay isku xulka kasoo jeedaan awoodooda isugu gayn doonaan sidii markale Spain gacanta ugu dhigi lahayd Koobka dunida oo Maalmo kadib ka furmi doona Dalka Russia.

Xulka Spain ayaa waxaa uu kamid yahay xulalka la dhihi karo waa ay adag yihiin oo wacdaro wanaagsan waa ay ka dhigi karaan xili ciyaareedkan koobka Dunida.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.