RASMI: Conor McGregor Oo Markiisa Ganaax Gadhka Loo Galiyay Iyo Tababaraha Khabib Ee Abdelaziz Ka Hadlay Kala Duwanaanshaha Ganaaxa McGregor & Khabib.

0
82

Feedhyahanka reer Ireland ee Conor McGregor ayaa isna si rasmi ah u ogaaday nooca ganaaxa lagu soo rogay kadib markii uu qayb ka ahaa dagaalkii rabshada ahaa ee dhex maray kooxdii Khabib ee kulankii UFC 229 ee bishii October ee sanadkii la soo dhaafay ee 2018.
Kadib markii Khabib gadhka loo galiyay ganaax aad u culus, Conor McGregor ayaa helay war ka duwan waxaana lagu ganaaxay lix bilood iyo 50,000 kun oo dollar oo kaliya halka Khabib lagu ganaaxay 9 bilood iyo 500,000 kun oo dollar inkasta oo aanu ganaaxa sagaalka bilood wada mari doonin iyada oo 6 bilood lagu soo koobi doono.
 
Laakiin tababaraha Khabib ee Abdelaziz ayaa si cadho leh uga hadlay waxa uu cadaalad darada ku tilmaamay ee kala duwanaanshaha ganaaxa Khabib iyo Conor McGregor wuxuuna Abdelaziz cadeeyay in Khabib uu bixin doono lacag hal milyan oo dollar ku dhaw oo ah ganaaxyo kala duwan oo kooxdiisa lagu soo rogay.
Ganaaxa khibib ayaa aad uga badan kan lagu soo rogay Conor McGregor ee dhinaca lacagta maadaama oo Khabib uu ahaa ninkii rabshada bilaabay kadib markii uu dhulka ugu tuuray McGregor laakiin Conor McGregor laftiisa oo dagaalka qayb ka noqday ayaa hadda lagu soo rogay lix bilood oo xerooyinka feedhka laga ganaaxa iyo inuu bixiyo 50,000 kun oo dollar.
Tababaraha Khabib ee Abdelaziz oo ka hadlay farqiga u dhexeeya ganaaxyada Khabib iyo McGregor ayaa yidhi: “Anigu ma filayo in ay cadaalad tahay. Khabib waxa uu helay 500,000 kun dolaar, Conor waxa uu helay 50,000 kun dollar, waxaan filayaa in ay qashin tahay”.
Laakiin tababaraha Khabib ee Abdelaziz ayaan wax walaac ah ka muujin tirada bilaha la ganaaxay ee lagu soo koobi doono min lix bilood wuxuuna yidhi: “Taasi waa cadaalad. Labadooduba waxay heleen lix bilood, laakiin waxay aad ugu badan tahay kuwa ay isku kooxda yihiin”.
Waxa kale oo uu Abdelaziz cadeeyay in Khabib uu bixin doono lacagta isaga ganaax ahaan loogu soo rogay ee 500,000 kun dollarka ah, iyo min 25,000 kun oo dollar oo lagu soo rogay laba ka mid ah kooxdiisa iyo waliba 200,000 kun oo dollar oo lagu soo rogay qareenka Khabib taas oo lacagta uu feedhyahanka reer Russia bixin doono ka dhigtay 750,000 kun oo dollar waana lacag ku dhaw kala badhka 2 milyan ee uu ka helay dagaalkii uu McGregor kaga guulaystay.
The post RASMI: Conor McGregor Oo Markiisa Ganaax Gadhka Loo Galiyay Iyo Tababaraha Khabib Ee Abdelaziz Ka Hadlay Kala Duwanaanshaha Ganaaxa McGregor & Khabib. appeared first on Latest football news.




SOURCE: RASMI: Conor McGregor Oo Markiisa Ganaax Gadhka Loo Galiyay Iyo Tababaraha Khabib Ee Abdelaziz Ka Hadlay Kala Duwanaanshaha Ganaaxa McGregor & Khabib.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.