RASMI: Julen Lopetegui Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Caawa Kaga Hor Tagi Doono Alaves & Xiddigo Muhiim Ah Oo Soo Laabtay

0
39

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Julen Lopetegui ayaa ka war qaba sida ay muhiimka u tahay in ay kooxdiisu guul ka gaadho Alaves kulanka horyaalka La Liga ee caawa kadib markii ay wakhtiga adag soo martay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay Tartamada oo dhan.
Taas ayaa keentay in uu Julen Lopetegui kooxdiisa kulanka caawa ku soo daro xiddigaha Sergio Ramos iyo Gareth Bale kuwaas oo seegay kulankii ay guuldarada kala kulmeen CSKA Moscow.
Da,yarka Vinicius ayaa ka soo muuqday Liiska laakiin xiddiga Fede Valverde Ayaa laga reebay Liiska xiddigaha ka hor tagi doona kooxda Alaves kulanka Alaves.
Xiddigaha Dani Carvajal, Isco & Marcelo ayaa sidoo kale Liiska ka maqan kadib dhaawacyo soo gaadhay xiddigaha muhiimka kooxda Real Madrid.
Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu Julen Lopetegui soo saaray:
Navas, Courtois, Casilla, Varane, Ramos, Nacho, Vallejo, Odriozola, Reguilon, Casemiro, Kroos, Modric, Asensio, Ceballos, Llorente, Benzema, Bale, Mariano, Vinicius and Lucas Vazquez.
 




SOURCE: RASMI: Julen Lopetegui Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Caawa Kaga Hor Tagi Doono Alaves & Xiddigo Muhiim Ah Oo Soo Laabtay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.