REAL MADRID OO HESHAY TABABARIHII BUUXIN LAHAA BOOSKII ZIDANE WAA KUMA MACALINKAASI?

0
194

Si lama filaan ah ayuu shalay ugu dhawaaqay macalinkii hore ee kooxda Real Madrid Zinedine Zidane in uu gabi ahaanba shaqadaasi isaga tagay kadib Go’aan uu si iskiis ah u qaatay.

Maahayn dhawaq marnaba ay sugayeen Maamulka, xidigaha iyo Jamaahiirta kooxda hase ahaate Shir jaraa’id uu qabtay ayuu arintaasi ku shaaciyay.

Durbadiiba maamulka kooxda ayaa waxaa ay bilaabeen dadaal dag dag ah oo ku aadan sidii booskaasi loo buuxin lahaa waxaana ay isha si wayn ay ugu hayaan  xiriirana la sameeyeen Moouricio Pochettino iyo Joan Chum Low oo kasoo kala jeeda Germany iyo Argentina.

Labadan Tababare ayaa waxaa ay yihiin kuwo heshiisyo rasmi ah kula jira kooxaha ay la joogaan waxaana muuqanaysa in ay Real u fududaan karto in midkood ay soo xero geliso.

Pochetino kooxdiisa ayaa u ogolaatay in uu wadahadalo toos ah la furo Real halka Low oo isagana dhawaan  saxiixay heshiis dhacaya 2022ka uusan heshiiskiisa ku xirnayn wax sharuud dhaqaale ah oo lagu bur burin karo.

Way adag tahay in Los balabcos uu markale hogaamiyo Tababare sidii Zidane oo kale ah waxaana la filayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gaba gabeeyo heshiiska macalinka cusub ee ay yeelan doonto Rel Madrid.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.