REAL MADRID OO JAB XOOGAN KALA KULANTAY VILLERREAL.

0
148

Kooxda Real ayaa Dhibaato aad u badan kala kulantay Villerreal kadib kulankii ugu dambeeyay ee ay labada koox kasoo muuqdeen Horyaalka Laliga Ciyaartaasi oo Fursado badan kaga luntay Real.

Macalin Zidane waxaa uu haystay inta badan xidigahiisa halka Villerreal ay iyaduna lasoo shir tagtay inta badan xidigaheeda hase ahaatee kulankaan ayaa ka dhacay garoonka kooxda Villerreal waxaana taasi ay keentay in Real Madrid lagu celiyo Bar Baro 2-2 ah.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa Hogganka la wareegtay kooxda Martida ahayd ee Real Madrid waxaan Gool u saxiixay Xidigooda Greth Bale Daqiiqadii 11ad ee ciyaarta halka Goolka labaad uu la yimid isla qaybta hore Daqiiqadii 38aad Xidiga Caristiano Ronaldo kaa oo goolkiisa aad u farxad geliyay Jamahiirta Los Balancos sidaa ayaana lagu kala nastay qaybtii hore.

Villerreal oo fahantay Qorshaha Ciyaareed Ee Kooxda Real ayaa waxaa ay samaysay Soo laabasho wanaagsan oo cajiib ah Qaybtii labaad ee Ciyaarta oo waxaa ay la yimaadeen 2ba gool oo dag dag ah.

Goolka 1aad ee soo kabashada ayaa waxaa u suuro geliyay Villerreal Roger Martinez marka ay gool sheegtadu maraysay 70 daqiiqo.

Waxaana muuqatay intaa kadib in kooxda xidigaheeda ay sameeyeen isku xirnaan aad u sareeysa oo sababtay in ugu dambayn ay la yimaadaan goolka Bar baraha ee ciyaarta ka dhigay 2-2 Samuel Castillejo ayaa Dhaliyay.

Natiijada kasoo baxday Ciyaarta ayaa waxaa ay kala saartay kooxaha Atletico Madrid iyo Real oo isku Haystay Cidda ku dhamaysanaysa Kaalinta 2aad waxaana Ateletico ay Xaqiijisay in labaad ay ku dhamaysatay halka Kooxda Real Kaalinta 3aad ku soo baxday dhinaca kala horaynta Villerreal-na waxaa ay ku soo baxday kaalinta 5aad ee dhinaca kala horaynta.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.