REAL MADRID OO SHARUUDO AD ADAG KU XIRTAY BIXITAANKA RONALDO.

0
349

Maamulka Kooxda Real Madrid ayaa hal shardi ku xiray xiddigooda Cristiano Ronaldo hadii uu doonayo in uu ka tago kooxda Real Madrid kuna biiro kooxda Juventus inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan oo maalmihii ugu dambeeyay si weyn loola xiriirinayay in uu xiddigu boorsooyinkiisa ka qaadan doono garoonka Bernabeu.
Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa in uu Cristiano Ronaldo taageerayaasha kooxda Real Madrid u sheego in aan lagu qasbin in uu ka tago kooxda hadii uu doonayo in uu ku biiro Juventus.
Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez iyo madaxa fulinta Jose Angel Sanchez ayaa ka walwalsan in ay taageerayaashu ka soo hor jeestaan sidaas darteed hadii ay Ronaldo u ogolaadaan in uu ku boxo 100 milyan halkii uu ku bixi lahaa 1 bilyan oo euro waxa ay doonayaan in uu taageerayaasha u sheego in ayna kooxdu wax masuuliyad ah ku lahayn bixitaankiisa.
Ronaldo ayaa aaminsan in in ay kooxdu khiyaamaysay kadib markii ay u balan qaaday in ay heshiis cusub u soo bandhigi doonto bilowgii xilli ciyaareedkii hore laakiin uu dareensan yahay in aan laga jeclayn kooxda maadama aan loo soo bandhigin heshiiskii loo balan qaaday.
Laakiin xiddiga iyo wakiilkiisa ayaa ku qasbanaan doona in ay qoraan fariin ay arinta uga dhaadhicinayaan taageerayaasha kooxda hadii ay Real xiddiga u ogolaato in uu lacag ka yar lacagta lagu bur-burinayo kaga tago kooxda.
Sidoo kale Real Madrid ayaa doonaysa in uu xiddigu ka qayb qaato xaflada macasalaamayn ah oo ay uga mahad celinayaan wixii uu u soo qabtay kooxda 9-kii sano ee uu joogay sida laga soo xigtay Daily Mail.




READ MORE FROM THE SOURCE: REAL MADRID OO SHARUUDO AD ADAG KU XIRTAY BIXITAANKA RONALDO.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.