REAL OO HESHAY BADALKA CRISTAINO RONALDO KOOXDEE AYUU JOOOGAA?

0
127

Tan iyo waxii ka dambeeyay Finalkii Champions Leage ee ay kooxda Los Balancos ku Xaqiijisay in ay markeedii 3aad gacanta ku dhigtay Koobka Quruxda badan ee Champions Leage ayaa waxaa muuqatay in uusan cadayn mustaqbalka rasmiga ah ee Xidiga Cristiano Ronaldo.
Ronaldo ayaa u muuqda mid soo gaba gabayn kara xili kasta waayihiisa kooxda Real Madrid hase ahaatee maamulka kooxda ayaa wada dadaalo aad u xoogan oo ay ku doonayaan in ay  ku helaan Badalka Rasmiga ah ee laacibka kubadda musiibada ku ah.
Sida uu daabacay Wargayska Diario Gol kooxda ayaa isha ku haysa weerar yahanka u ciyaara kooxda lagu naaneeso shayaadiinta cas cas ee uu Man United Rumelu Lukaku.

Lukaku  waxaa uu bandhig wanaagsan ka sameeyay xili ciyaareedkii dhawaan soo idlaaday ee Premier Leage isaga oo kooxda u gacan geliyay guulo waa wayn halka haatan uu waayo wanaagsan la qaadanayo Xulkiisa Qaranka Belguim.
Madaxwaynaha Kooxda Real Madrid Florontino Perez ayaa waxaa uu aamin san yahay hadii ay laacabkan xooga badan helaan in ay uga maarmi karaan Cristiano Ronaldo.
 
Waxaa adkaan karta in uu suuro galo rabitaanka waalida ah ee kooxdan ay u muujinayso Rumelu Lukaku maadaama Red Divels ay xidigan u aragto mid lacagihii laga soo bixiyay aan marnaba lagu qasaarin.
 
 




READ MORE FROM THE SOURCE: REAL OO HESHAY BADALKA CRISTAINO RONALDO KOOXDEE AYUU JOOOGAA?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.