REAL,INTERMILAN, JUVENTUS IYO  BARCELONA, OO KOOBKA ADUUNKA KA SAMEEYAY ISKOORKII UGU WANAAGSAN KOOXAHA CAALAMKA.

0
272

Kooxaha Juventus,Real Madrid,Barcelona,iyo intermilan ayaa waxaa ay sameeyeen iskoorkii ugu wanaagsanaa abid tan iyo markii 1930-kii lasoo bilaabay Koobka Aduunka.
 
Naadiyadan ayaa la ogaaday in ay koobka aduunka ku leeyihiin xidigo aad u badan iyadoona horay aysan u dhicin in kooxo intaan la’eg ay xidigo badan oo ka qayb galaya koobka aduunka iyagana ka tirsan.
 
Juventus waxaa ay ku jirtaa iskoorka ugu horeeya maxaa yeelay 128 xidig oo usoo ciyaaray haatana u ciyaara ayaa kasoo muuqday koobka aduunka.
 
Barcelona ayaa kaalinta labaad soo gashay oo waxaa ay ku leedahay koobka aduunka ilaa 126 xidig.
 
Kaalinta 3aad waxaa ku jirta kooxda Intermilan 122 xidiga ayay ku leedahay.
 
Kooxda Real Madrid ayaa ugu dambaysa waxaa uga qayb galay koobka aduunka tan iyo 1930- koobka aduunka 117 xidig.
 
Dad badan ayaa aad u hadal haya iskooradaan muhiim ka ah ee kooxahan ay sameeyeen.
 
 




READ MORE FROM THE SOURCE: REAL,INTERMILAN, JUVENTUS IYO  BARCELONA, OO KOOBKA ADUUNKA KA SAMEEYAY ISKOORKII UGU WANAAGSAN KOOXAHA CAALAMKA.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.