RIKOODH: Aubameyang Oo Xalay Jabiyey Rikoodh U Yaalay Thierry Henry Iyo Halka Uu Ka Galay Liiska Dahabiga Ah Ee Taariikhda Arsenal

0
52

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa xalay dhigay rikoodh cajiib ah, kaddib markii uu kooxdiisa ka caawiyey inay 2-0 ku jiidho Cardiff City oo ay ku martigelisay garoonka Emirates.
Aubameyang ayaa dhaliyey goolka koowaad ee Arsenal, waxaana midka labaad raaciyey Lacazette, hase yeeshee weeraryahanka reer Gabon ayaa uu goolkiisu laba macno oo waaweyn oo ka baxsan guusha ciyaarta uu sameeyey, waxaana uu midka hore ahaa inuu ku dhaafay rikoodh u yaallay Thierry Henry halka uu midka labaadna yahay inuu tartanka gool-dhalinta horyaalka ee xili ciyaareedkan uu kusoo qabtay Mohamed Salah oo ay leeyihiin min 15 gool.
Arsenal oo kulankii ugu dambeeyey guul-darro xanuun badan kala kulantay Manchester United oo ka reebtay FA Cup-ka, ayaa waxa uu Aubameyang ahaa laacibkii goolka aan waxba tarin u saxeexay Gunners, hase yeeshee xalay ayaa uu noqday halyeyga koowaad ee goolashii ugu degdegga badnaa u dhaliyey naadiga.
Aubameyang ayaa goolkiisii 25aad ee horyaalka ah ka dhaliyey xalay isaga oo u ciyaaray 37 kulan labadii xili ciyaareed ee uu joogay, waxaanu sidaas ku noqday laacibkii ugu degdegga badnaa ee goolal intaas le’eg ku dhaliya kulamo tiradoodu tahay 37, waxaana rikoodhkan hore u haystay Thierry Henry oo 25 gool ku dhaliyey 42 kulan.
Halyeygii weynaa ee Ian Wright ayaa ay isagana ku qaadatay inuu goolal 25 ah ku dhaliyeyo 51 kulan, halka Sanchez oo ah laacibkii ugu dambeeyey ee tartanka soo galayna ay ku qaadatay 59 ciyaarood.
Liiska ciyaaryahannada 25 gool oo Premier League ah ku dhaliyey kulamadii ugu yaraa

Pierre-Emerick Aubameyang -37 ciyaarood
Thierry Henry – 42 ciyaarood
Ian Wright – 51 ciyaarood
Alexis Sanchez 59 ciyaarood
Emmanuel Adebayor 62 ciyaarood
Dennis Bergkamp – 65 ciyaarood.

The post RIKOODH: Aubameyang Oo Xalay Jabiyey Rikoodh U Yaalay Thierry Henry Iyo Halka Uu Ka Galay Liiska Dahabiga Ah Ee Taariikhda Arsenal appeared first on Latest football news.




SOURCE: RIKOODH: Aubameyang Oo Xalay Jabiyey Rikoodh U Yaalay Thierry Henry Iyo Halka Uu Ka Galay Liiska Dahabiga Ah Ee Taariikhda Arsenal

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.