Ronaldo oo gaaray xarunta Tijaabada Caafimaadka ee Kooxda Juventus.

0
144

Xidiga kubadda ku waalan caalamkana si joogta ah uga yaabsada ee Cristiano Ronaldo ayaa waxaa uu si rasmi ah u gaaray xerada tijaabada caafimaadka ay ku marsiiso laacibadeeda cusub kooxda Rasmiyan uu ugu biiray ee Juventus.
Xidigan ayaa shalay waxaa uu gaaray magaalada Turin waxaana qorshahu uu yahay in marka uu tijaabada caafimaad maro galabta si rasmi ah ay kooxda usoo bandhigto.
Ronaldo waxaa uu qalinka ku duugan heshiis ku kacay ilaa 4 sano waxaana uu kooxda ku yimid aduun lacageed oo gaaraya 112 milyan oo euro isaga oo noqonaya xidiga abid ugu qaalisan uguna mushaar badan ee ay kooxdan soo qaadato.

Horay waxaa booskaas u haystay xidiga Gonzalo Higuain oo kooxda nopoli ay Juventus kasoo iibsatay waxaana uu ku yimid 94 milyan.
Ronaldo waxaa lagu soo dhaweeyay caleemo qoyan iyadoona la filayo in guud ahaanba mucjisooyinkiisa kubadda cagta uu halkaan kasiii wato.
Dad badan oo taageereyaashiisa kamid ah ayaa waxaa uu ku qasbi doonaa in ay ula guuuran horyaalka Seri-A-da wadanka Talyaaniga maadaama ninkaan uu yahay igaar shacbiyad badan leh.
Kooxda Marwada Duqda waxaa ay gacanta ku dhigtay Xidig ay in mudo ah cayrsanayeen kooxo badan oo ka dhisan Horyaalka Premier Leage balse waxaa il gaar ah lagu eegi doonaa sida kooxdan ay fursado dheeraad ah u siin doonto Xidigooda Cusub xili ciyaareedka dhawaan furmaya.
 
 




READ MORE FROM THE SOURCE: Ronaldo oo gaaray xarunta Tijaabada Caafimaadka ee Kooxda Juventus.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.