Saadaasha Khabiirka Ciyaaraha Mark Lawrenson Ee Kulamada Caawa Iyo Habeen Dambe Ee Premier League, Kooxaha Uu Ka Farxiyey Iyo Kuwa Ka Naxay

0
45

Horyaalka Premier League ayaa caawa iyo habeen dambe ay kooxuhu iskaga hor iman doonaan kulamadii 24aad, waxaana si adag loogu hirdami doonaa boosaska kaalmaha ugu sarreeya.
Liverpool ayaa u dagaallamaysa inay booskeeda hoggaaminta sii xejisato isla markaana aanay wax kusoo kordha mooyee waxba iska dhimin afarta dhibcood ee ay ka sarrayso Manchester City, halka uu Pep Guardiola dejinayo farsamo kasta oo uu kusoo yarayn karayo dhibcaha laga horreeyo.
Kaalmaha saddexaad illaa lixaad ayaa uu dagaalkoodu dib u hillaacayaa, waxaana Arsenal iyo Manchester  United oo isku dhibco ah ay soo qaban karaan Chelsea haddii ay kufto, waxaase iyaduna aan wax badan ka horreynin Tottenham oo kaalinta saddexaad fadhida.
Khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson oo toddobaad walba saadaal ka bixiya kulamada horyaalka, isla markaana warbaahinta BBC Sports ay daabacdo ama baahiso saadaashiisa, ayaa waxa uu usbuucan hoggaanka usii adkeeyey Liverpool oo Anfield kula ballansan Leicester City, waxaana uu sidoo kale ka farxiyey Manchester United, Arsenal iyo Chelsea  iyo Manchester City.
Mark Lawrenson oo xili ciyaareedkan saadaaliyey in ka badan 380 ciyaarood oo intooda badan run noqotay, ayaa waxa uu ku dooday in Manchester United aanay awood u yeelan karin inay soo yarayso farqiga goolasha ay Arsenal ka horreyso oo labadooda ciyaarood ay mid walba ku adkaan doonto 2-0.
Halkan ka akhriso saadaasha khabiirka Mark Lawrenson

Kulamada Salaasada

Arsenal v Cardiff

2-0

Fulham v Brighton

1-1

Huddersfield v Everton

2-1

Wolves v West Ham

2-0

Man Utd v Burnley

2-0

Newcastle v Man City

0-2

Kulamada Arbacada

Bournemouth v Chelsea

1-2

Southampton v Crystal Palace

2-1

Liverpool v Leicester

2-0

Tottenham v Watford

1-1

Haddaba akhriste, adiguna saadaal maka bixin kartaa kulamada usbuucan, mana eegi kartaa in saadaashaadu sax noqotay iyo inaad khaladay kaddib dhamaadka kulamada?
The post Saadaasha Khabiirka Ciyaaraha Mark Lawrenson Ee Kulamada Caawa Iyo Habeen Dambe Ee Premier League, Kooxaha Uu Ka Farxiyey Iyo Kuwa Ka Naxay appeared first on Latest football news.




SOURCE: Saadaasha Khabiirka Ciyaaraha Mark Lawrenson Ee Kulamada Caawa Iyo Habeen Dambe Ee Premier League, Kooxaha Uu Ka Farxiyey Iyo Kuwa Ka Naxay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.