SABABTA LIVERPOOL IYO LYON UGA AAMUSAN YIHIIN FASHILKII HESHIISKII NABIL FEKIR OO LA OGAADAY.

0
158

Heshiiskii uu Nabil Fekir ugu biiri lahaa Liverpool ayaa bur-bury kadib markii ay labada kooxood ku heshiin waayeen qiimaha xiddiga ka gadaal markii uu dhaawac ku soo baxay xiddiga.
Fekir ayuu saddex sano ka hor soo gaaray dhaawac halis ah oo jilibka ah waxana ay u muuqataa in dhibaatadaas ka hor istaagtay in ay Reds dhamaystirto ka hor inta uuna xiddigu koobka adduunkua u duulin.
Lyon ayaa sabtidii xaqiijisay in ay ka baxday wadahadaladii ay kula jirtay xiddiga kabtankooda ahna uu sii joogi doono kooxda”.
Wararka ayaa sheegaya in uu Fekir ku dhacay tijaabada caafimaadka taas oo keentay in uu heshiiska xiddigu bur-buro kuna sii negaado kooxda ilaa koobka adduunka kadib.
Xiddiga ayaa ogolaaday in uu Liverpool u saxiixo heshiis shan sano ah laakiin Liverpool ayaa isku dayday in ay dib qiimaha ugala xaajooto Lyon saacado ka hor inta uuna heshiisku dhiman.
Liverpool ayaa diiday in ay ka hadasho sababta uu heshiisku u bur-buray.




READ MORE FROM THE SOURCE: SABABTA LIVERPOOL IYO LYON UGA AAMUSAN YIHIIN FASHILKII HESHIISKII NABIL FEKIR OO LA OGAADAY.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.