Sacuudiga: Dhaq-dhaqaaq ka dhan ah boqortooyada oo lagu dhawaaqay (Aqri)

0
260

Paris (Caasimada Online) – Aqoonyahan iyo qoraa Sacuudiyaan ah, oo si aad ah u dhaliila dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay dhismaha dhaqdhaqaaq mucaarad ah oo ka shaqeyn doona dalka dibeddiisa, sida uu qoray website-ka caanka ah ee Arabai21.Marzouk Mashan al-Otaibi ayaa Dhaqdhaaqa Isku-keeniadda Qaranka kaga dhawaaqay gurigisia ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana durba uu soo jiitay taageerada dad badan oo Sacuudiyaan ah oo aan ku qanacsaneyn dowladda hadda maamusha dalkaas.Al-Otaibi waa qoraagii hore ee wargeysyada dalka Sacuudiga ee kala ah Makkah iyo Al-Sharq, wuxuuna sidoo kale macallin ka ahaa qeybta kimisteriga ee Jaamacadda King Saud University.Bayaan uu soo saaray oo loogu talo-galay dadka Sacuudiga ayaa Al-Otaibi wuxuu ku yiri “Maamulka Al-Saud waa uu idin bahdilayaa, waa idin adoonsanayaa, waana idin ciqaabayaa”Isaga oo ka hadlayey dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan ayuu yiri “Wuxuu iska indho-tirayaa dhammaan dhaqamadii Carabta iyo Islaamka, wuxuu xirayaa haweenka, dadka da’da ah iyo caruurta. Xitaa dadka qaar wuxuu jir-dilay illaa ay ka naf baxaan”.Dhaqdhaqaaqan cusub ayaan la ogeyn sida uu saameyn uga sameyn karo gudaha dalka Sacuudiga, maadaama uu yahay dibad joog.Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com




SOURCE: Sacuudiga: Dhaq-dhaqaaq ka dhan ah boqortooyada oo lagu dhawaaqay (Aqri)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.