Sacuudiga oo ku dhawaaqay in ay dhalatay Bisha Carafo iyo Dowlado waaweyn oo ka hor imaaday

0
270

Makka Al-Mukarama (Caasimadda Online) – Maxkamadda Sare ee Aala Sacuud ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xalay oo Axad aheyd ay dhalatay Bisha Arafo oo tobanka maalmood ee ugu horreeye ay leeyihiin Fadli gaar ah.
Guddiga arrimaha Xajka iyo raad raaca bilaha ayaa xaqiijiyay in xalay oo Axad aheyd ay bishu dhalatay, durbadiiba dowladda Sacuudiga waxay iclaamisay in ciidul adhxaa ay noqon doonto maalinta Talaadada ee ku beegan 21 Agoosto 2018 halka maalinta isniinta ay xujeyda muslimiintu istaagi doonaan Banka Carafo oo ah gudasha rukniga ugu weyn ee arkaanta Xajka.
Qaar badan oo kamid ah dowladaha qaaradda Asia ee muslimiintu leeyihiin ayaa dhankooda iclaamiyay in maalinta arbacada ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul adhxaa, dowladaha Arbacada ciidda iclaamiyay waxaa kamid ah Malaysia,indonesia, Pakistan, Burunaay iyo Banghaladheesh.
Waa Muusimkii 2-aad oo malaayiin qof muslimiin ah ay ka maqanyihiin Xajka kuwaas oo arrima siyaasadeed loogu diiday in beytka ilaahey ay booqdaan, dowladaha imaaraatka carabta iyo Sacuudiga ayaa dadka kasoo jeeda dalka qadar udiiday in xay Xajiyaan.
Caasimada Online
Xafiiska Makka Al-Mukarama
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Sacuudiga oo ku dhawaaqay in ay dhalatay Bisha Carafo iyo Dowlado waaweyn oo ka hor imaaday

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.